DHAGEYSO:-Puntland iyo Somaliland oo ay Meel Xun Ka Gaartey Xilli Lagu Hanjabay Duqayta Garoowe iyo Hargaysa

0

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa habeen hore ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidaamda Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland, waxaana dagaalkaasi ciidanka Somaliland ka soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo gaadiid laga gubey.

Haddaba khasaarahaasi waxaa ka xanaaqay maamulka Somaliland oo sheegay inay Puntland sida ugu dhaqsaha badan uga aarsan doonaan isla markaana ay tallaabo dagaal qaadi doonaan.

Barlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan dulqaadan doonin ayna qaadayaan dagaal culus oo ay ku qabsanayaan magaalada Garoowe, waxaana barlamaanka Somaliland ugu baaqay shacabka Garoowe inay magaalada isaga qaxaan.

Xildhibaan Dhaga Cadde ayaa ku tilmaamay xubnahaasi kasoo hanjabay magaalada Hargeysa ay yihiin rag xanuusan oo ka buka dhanka maskaxda una baahan dhakhtar waa sida uu hadalka u dhigaye.