DHAGEYSO:-Dhacdo Naxdin Leh Wiil Dilay Nin Masaafeystay Hooyadiis

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa dhacdo dad badan ka yaabisay oo ka dhacday Koofurta Gobolka Mudug.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Laanbaar oo dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka maamul gobaleedka Galmudug.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoore waxaana uu kamid ahaa odoyaasha deegaankaasi, goobjooge ayaa sheegay dilkan inuu dhacay kadib markii uu ninka dilka geystay ka carooday adeerkiis qabay hooyadii oo markii hore masaafeystay.