AMISOM oo sheegtay inay isku fureyso waddooyin ka tirsan Hiiraan

0

War qoraal ah oo ay AMISOM ku daabacday boggeeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay qaadayaan howlgallo lagu doonayo in xor laga dhigo, dhaq-dhaqaaqa Hiiraan gaar ahaan wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

AMISOM waxa ay sheegtay in dhibaato badan ay ka taagan tahay wadadaasi, howlgalladana ay rajeynayaan in wax uu ka badali doono amniga guud ee gobolka Hiiraan.

“Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxay qaadayaan howlgal wada jir ah oo lagu doonayo dhaq dhaqaaqa xoriyadda wadooyinka, ciidamada waxay furayaan waddooyinka ugu muhiimsan ee isku xira Baladweyne iyo Jalalaqsi”. ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta Twitterka AMISOM.

AMISOM waxa ay sheegtay in ay rajeyneyso isku furista wadadan ay fududeyn doonto gargaarka bini’aadanimada, ee la doonayo in la gaarsiiyo dadka ku nool halkaasi.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay dhawaan in ciidamada Soomaaliya ay ka kala bilaabeen howgallo Baladweyne iyo Balcad, waxa uuna xusay in ay isugu imaan doonaan deegaanka Fiidow.