Akhriso:-Magaca Dowladd Ajnabi Ah Oo Soomaaliya kusoo Daabuleysa Hub

0

Warbixin cusub oo ay soo saareen guddi khubaro ah oo ka socda Guddiga Cuna-qabataynta ee Qaramada Midoobay ayaa caddeeyay in Imaaraadka Carabta (UAE) ay sii waday in ay ku xad gudbaan cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya. Sida ay muujinayso war bixin ay daabacday A Jazeera.

Warbixinta, oo aan weli la sii deynin, ayaa qortay in Imaaraadka ay qaadatay go’aanka dhismaha saldhig milatari oo ku yaalo magaalada Berbera oo ka tirsan Somaliland, waxaana sidoo kale talaabooyinka imaaraadka kamid ah iibinta qalabka militariga ah oo ay Somalia cunaqabateyn ka saran tahay.

Imaaraadka Carabta ayaa bilowday dhismaha saldhigga milatariga sannadkii hore, iyada oo heshiis la saxiixatay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ah maamul ka madax banaan Somalia wixii ka dambeyey sannadkii 1991 oo ay dalka Somalia ka bilowdeen dagalo sokeeye.

Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi horumarineed ku sameyneysa dekedda ber bera oo ku taal meel istaraatiiji ah oo u dhow Yemen, halkaas oo ciidamada imaaraatku ay ka wadan dagaal ka dhan xuutiyiinta Yemen tan iyo 2015 iyagoo qeyb ka ah isbaheysiga uu hogaaminayo sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee QM in ay tallaabo ka qaadaan dhismaha xarunta military ee uu imaaraadka ka dhisayey Somaliland.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in guddiga khubarada ah ee Qaramada Midoobay aanay helin jawaab ka socoto masuuliyiinta Somaliland markii la weydiiyey in ay u hoggaansamaan cunaqabateynta saran waddanka Somaaliya.

Markii ay guddigu weydiisteen UAE inay soo bandhigaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhismaha saldhiga, jawaabtu waxay ahayd; “imaaraad ayaa ku jawaabtiisa kusoo gabagabeeyey dhamaan gobolada Somalia ee ku dhisan awoodaha dastuuriga ah in madaxda goboladaas ay awood u leeyihiin inay heshiis kala garaan dowlado kale si horumar looga gaaro arrimaha amniga, xasiloonida iyo barwqada dhulka iyo dadka soomaaliyeed.

Bishii September 2017, booliiska badda ee maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa qabtay markab kusoo jeeday dalka Somalia kana yimid dalka Yemen iyagoo ka helay hub sida ay sheegeen khubarada.

Guddiga ayaa sheegay in aysan wax jawaab ah ka helin Imaaraadka Carabta markii la waydiistay in ay caddeeyaan sababta uu hubka saarnaa markabka.

Danjiraha UAE u fadhiya Qaramada Midoobay Lana Nusseibeh ayaa Reuters u sheegtay in aysan ka faalloon karin dhacdadaan iyadoo sabab kaga dhigtay in aan wali warbixinta la daabicin.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Somalia kusoo rogay xayiraad dhanka hubka ah sanadkii 1992 kadib markii ay bur burtay dowladdii uu majarah u hayey Maxamed Siyaad Barre dalkana ay ka qarxeen dagaalo sokeeye.