XOG:- Siyaasiyiinta Damujadiid iyo Daljir oo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ka qoray war been abuur ah.

0

Warbaahinta ku hadasha afka siyaasiyiinta Damujadiid iyo Daljir ayaa xalay waxa ay qoreen qoraal ay ku been abuurteen Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.

Qoraalkan ayaa waxa uu ahaa gabi ahaantiis dagaal siyaasadeed oo lagu doonayo in sumcada looga dilo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.

Dabagal dheer iyo baaritaano iyo xiriiro aan la sameynay ilo wareedyo kala duwan oo si qoto dheer ugu dhuun daloola xaalada siyaasada iyo ammniga Soomaaliya oo ku sugan gudaha magaalada Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay inoo cadeeyeen in warkan lagu daabacay warbaahinta Soomaalida qaarkood uu yahay mid been abuur ah, kaasoo ay ka dambeeyaan Siyaasiyiinta Damujadiid iyo Daljir oo adeegsanaya dhalinyaro aan waxbdan kala socon xaqiiqda ka jirta dalka Soomaaliya.

Waxaa Soomaaliya caado ka noqotay in dadka siyaasada iskaga soo horjeedaa ay isku adeegsadaan dhalinyaro nolosha ka raadsada inay warar been abuur iyo sumcad dil ah u faafiyaan siyaasiyiinta is haya, waana mida keentay in baraha bulshada Soomaalidu noqdaan xarunta beenta iyo propaganda-da siyaasadeysan.

Dhinaca kale xiriir toos ah oo aan la sameenay Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire si aan wax uga weydiino wararkan ay daabaceen warbaahinta qaar ayaa waxa uu yiri isagoo qoslaya “Walaal Soomaaliya waa ay ka dhamaatay xiligii dadka la jah wareerin jiray ama been loo sheegi jiray, waxaana taas sabab u ah in dadka Soomaaliyeed talaabo talaabo ula socdaan waxa ka jira gudaha dalka, islamarkaana war walba oo la sheego run iyo been kuu yahayba halkii laga soo sheegay in loogu tagayo” waa sida uu yiri Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.

Isku soo wada duuboo warbaahinta ku hadasha afka Damujadiid iyo Daljir ayaa waxa ay caadeysteen warar joogto ah, balse aan ahayn kuwo salka ku haya xaqiiqda dhabta ah ee dalka jirta.