TOPNEWS:-Ciidamada DFS Oo Bakaare ku toogtay ruux dhac geysanayay

0

Wararka laga helayo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay toogasho ku dileen ruux dhac ka geysanayay gudaha Suuqaasi.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Masjidka Xareed, iyadoona ruuxa la dilay uu la socday Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Askariga la socday Marxuumka la toogtay ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska, kadibna ay u gudbiyeen CID-da.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamo dheeraad ah la geeyay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ay soo badatay cabashada ganacsatada Suuqaasi oo muddooyinkan si aad ah uga cabanayay kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya Ganacsigooda.