TOP NEWS:- Muqdisho lagu qabtay shabakad samaysa Dollar Been abuur ah

0

Ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa gacanta ku dhigay koox ka shaqeysa lacag dhaqidda.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA oo lsoo dhigay barta Twitterka hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay qabteen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah.

Shabakadda lacagta dhaqda ayaa laga qabtay laba ruux halka kuwo kalana lagu daba jiro, sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.

“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”.