Shir wadatashi ah Oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

0

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka ayaa ka warbixisay shirka manhajka codbixiyaha doorashooyinka oo maanta lagu soo gabagabeeyay M/ Muqdisho.

Shirkan oo socday muddo 3 cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ururada bulshada rayidka, Haween, Dhalinyaro ka socday Jaamacadaha iyo qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga doorashoyinka Qaranka ayaa sheegtay in shirkani muddadii uu socday ka qeyb galayaasha ay uga dhageysteen talooyin ku aadan doorashooyinka 2020-ka.

Sidoo kale Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu doonayo in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya sanada 2020-ka.

Waxaana ay hoosta ka xariiqday in haatan ay wadaan wacyi gelin guud oo ku aadan doorashadaasi, si loo fahamsiiyo dadka Soomaaliyeed.