Qarax ka dhacay Gobalka Hiiraan

0

Wararka laga helayo Gobalka hiiraan ayaa sheegaya in Qarax lalal eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Jabtuuti oo marayay deegaanka Buurweyn ee Gobalkaasi

Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday qeybta hore ee gaari gaashaaman oo ay ku xirnaayeen qalabka miinooyinka baara.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in jug xoogan ay maqleen, islamarkaana waxaa ay arkeen gaari ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti uu halkaasi qaraxa ku haleelay.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in khasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada Jabuuti, islamarkaana ay gubeen Gaari ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti.

Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxaasi.