DHAGEYSO:- Roobow oo ku baaqay in deg deg lagu dhiso guddiga doorashoyinka KG

0

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo xilligaan ka mid ah musharixiinta doorashada Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed oo dhawaan ka dhaceysa Magalada Baydhabo ayaa weli waxa uu wadaa ol olihiisa doorashada.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayuu kulan qado ah u sameeyey,waxaana uu walaac ka muujiyay in aan weli la dhisin guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Muqtaar Roobow ayaa sheegay in Dastuurka Koonfur Galbeed uu dhigayo in Guddiga doorashada la dhiso ka hor lixdan cisho balse uu aad uga xun yahay dib u dhaca ku yimid.

Waxa uu ugu baaqay xildhibaanada Koonfur Galbeed in si deg deg ah loo soo dhiso guddigaas maadaama waqtiga doorashada ay tahay mid dhow.