DHAGEYSO:- Qodobada Kaso Baxay shirkii Dastuurka Maxaa kamid ahaa

0

Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland lagu soo gabagabeeyay shirka madasha guddiyada dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer maamul goboleed kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas.

Shirkan oo ahaa mid la tashi lagala sameynayay gudiyada dastuurka dowlad goboleedyada shan cutub oo kamid ah dastuurka kuwaas oo dib u eegis lagu sameeyay ayaa dhinacyada ka shiray arimahan ay ku balameen in la dardargeliyo qabyo tirka iyo dib u eegiska dastuurka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu balamay in la qabto shirka sadexaad ee madasha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaas oo la qorsheeyay in la qabto bisha Febraayo ee sanadka soo socda, lagana doodi doono cutubyada dasuurka ee ilaa iyo hada dib u eegista lagu sameeyay.