DHAGEYSO:-Amni Darada Suuqa Bakaaraha Iyo Hoos U Dhac Ku Yimid Dhaqaalaha Soomaaliya

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn waxa uu uga hadlay cabasho dhawaan ka soo yeertay qaar ka mid ah Ganacsaatada suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Mudanaha ayaa sheegay in xidhibaanada Golaha Shacabka aan looga baahneyn inay kaliya lacagaha dadka laga qaado xisaabiyaan balse ay indhaha ku haayaan dadka lacagaha Canshuurta ah laga qaado ee aan amni heysan, hantidoodana lagu qaadanayo baad iyo dhac cad.

Wuxuu soo hadal qaaday dhacdooyinka amni ee ka tagan saylada ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, isagoo sheegay inay ganacsato ay xilgan qabaan walaac amni ku aadan hantidooda wuxuna xildhibanada ka codaday inay indhaha ku hayaan waxa uu wax an la aqbali Karin ku sheegay  in Ganacsatada Suuqa Weyn ee Bakaaraha ay Canshuurta bixiyaan hadana dhac loogu daraayo.