Ciidamo boolis ah oo lagu kordhiyay degmooyinka G/Banaadir

0

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu kordhiyay ciidamo cusub oo boolis ah, sida ay warbaahinta madaxa banaan u sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya.

Xarun walba oo ka tirsan waaxyaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la geeyay ciidamo boolis ah, kuwaasi oo si gaar ah u hawlgala xilliyada habeenkii.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxa ay sheegeen ujeedada ciidamadan loo hawlgeliyay inay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhaca iyo boobka burcada hubeysan ay u geysanayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.