Ciidammada Xoogga Dalka oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ay Ka Mid Tahay Buurweyn

0

Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu Warbaahinta dowladda u sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

“Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen deegaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobalka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay Nabad diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”.

Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Argagaxisada Al shabaab oo ka cararay goobaha ay Ciidammada gaareen.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool deegaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab.

“Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa dagaalo badan ka wada dhinacyo badan, oo Hiiraan, Shabeelooyinka iyo Jubbada hoose ay ku jiraan.