AKHRISO:- Madaxweynihii horre Somaaliya Xasan sheekh oo Somaalida sii kala fogaanaysa

0

Dalka Soomaaliya waa dad iyo dal mid ah oo xoroobay 1960. dawladaa iska badalay oo ka jiray kuwaas oo tii u danbaysay ay ku burburtay gacanta dadka soomaaliyeed 1991 dii. Soomaalidu kolkay calankeedii taagatay oo isticmaarkii iska xoraysay oo libin iyo gobonimo heleen,ayaa waxaa dhashay arin ah in dawladnimadii umada u dhaxaysay lagu gabood falay cadaaladii iyo maamul wanaagii. dhibka uugu weyn ayaa waxa uu noqday in koonfurta soomaaliya Mogdisho oo soomaali udooratay caasimad iyo nawaaxigeedo isku koobeen taladii iyo hogaamintii dalka,oo eex iyo qaraabo kiil dhacay.

Arintan ayaa u cuntami wayday dadka kasoo jeeda somaaliland.waxay door teen in ay 1991 markii dawladii lagu kala tagay oo dalku noqday dawlad la aan,inay israacii 1960 hada ay u heleen fursad ay kaga noqdaan,kadibna waxay ku dhawaaqeen in ay ka noqdeen israacii oo ay hada yihiin dawlad kamadax banaan soomaaliya oo ah dal jira oo ah dawlad gaara,loona yaqaan Jamhuuriyada Somaaliland 1991dii.

Taariikhdaa qoraysa in ay gobolada waqooyi xoriyada qaateen ama somaliland 1960kii,shan casho kahor inta aysan qaadan koonfurta soomaaliya.waxay kusoo biireen koonfurta soomaaliya oo lamidoobeen. midawgaas oo ay kala kulmeen markii danbe waxaysan jeclaysan.

Waa siihore oo laga joogo 23 sanadood ayaan soomaali usoo jeediyay talooyin la xariira xalka SOMALILAND IYO SOMAALIYA. ilaa xiligaa ilaa hadana waan wadaa oo soo bandhigaa garawshana mahayo rajadana ma joojinaayo.waxaan qabaa in xalku yahay hal arin uun oo kaliya maha labo iyo sadex midna waa mid uun.

Waa in Soomaaliland la tusaa laab xaaran oo saafi ah oo aan laqdo lahayn,waana in koonfur laga helaa daacadnimo buuxda iyo garqaadasho dhamaystiran. waxaa deeqa soomaaliland waa hal uun,kol haday shalay inoo yimaadeen wanaag iyo soomaalinimo inoo keeneen,maanta waa in aan sidoodii samaynaa oo ah CAASIMADA OO LAGA DHIGO CEERGAABO. wixii intaa ka badalan waa in SOMALILAND loo madax baneeyaa gooni isu taageeda.

Madaxda koonfurtu ma dhaqan wanaagsana,XASAN SHEEKH oo ahaa madaxweynihii ka horeeyay kan hada jooga,ayaa waxa uu ku lugooyay SOMALILAND intuu talada hayay shirar been ah iyo maaweelo ka fog xaqiiqda,isagoo toos u diiday in uu wajaho xaqiiqda dhabta ah lagana wada hadlo si xalwaara looga gaaro. Sida uu u lugooyay iyo qaabkii uu ula dhaqmay SOMALILAND dhibkalayba sii abuurtay iyo kala sii fogaasho iska daa wax isu soo dhawaada oo is aaminee. Soomaaliland waxay wayday cid ay la hadasho oo leh qawl run ah iyo go aan run ah.

Maanta oo Dalka uu madax weyne ka yahay Farmaajo oo ay dhici karto in isaga iyo madaxd weynaha Somaliland ay baadi goobaan in xal waara loo helo iyo wada hadalo dhab ah oo soomaalinimo qadiyada dib u midoowga somaliland iyo somaaliya,ayuu XASAN SHEEKH ku wadaa kala irdhayn iyo khiyaano uu ku minjo xaabinaayo in heshiis dhaco.

Waxa uu warbaahinta kasii daayay isagoo caayahaya oo ugafaya SOOMAALILAND erayadan “markii xoriyadii laqaatay somaliland 1960 iyagaa nookeenay calankii iyo xoriyadii si soomaalinimo ah,inagana hada markeena waa in aan qadnaa dawladnimadii oo dhan oo ugeeynaa markooda,siday shalay inoogu keeneen” Hadalkan waa aflagaado iyo cay iyo kala fogayn umada soomaaliyeed maxaayeelay kama aha run,hada gancan wax kuma uu hayo oo malaha awoodeeda,markuu madaxweyne ahaa shalay wuu inkirsanaa oo turkiga la hoos galay oo khiyaamay soomaaliland,kolkaa hadalkan malaha macno aan ahayn soomaali bis nimo.

Looma baahna in aad taataabato arin xasaasi ah,oo u baahan daganaansho iyo la imaansho wax rag ku heshiin karo.waan iska hadlayaa ma dhaqayso soomaaliya.

Dhanka kale waxaa jira dad soomaaliland ah oo qayb ka ah mishkilada koonfur taal,waxay ka shaqeeyaan amaan darada iyo waxaan u fiicnayn iyaga iyo soomaaliyaba guud ahaan.haka waan toobeen laba canlaynta munaafaqnimo. Xalku maha halka ay ka raadinayaan soomaaliland ee ah dhibka soomaaliya uun sii shid. xalku waxaa weeye in siday shalay u yimaadeen loogu tago taasoo ah macnaheedu CAASIMADA OO DHANKOODA LAGEEYO tanaa laysku aamini karaa wax kale oo koonfur lagu aaminaa meesha ma taal hor ilaahay ayaana u hadalayaa iyo dhabta jirta. hadii lasiiyo madaxweyne iyo wasiirka koobaad labadaba soomaaliland xataa taasi maha xal iyo xaqiiq midna.

Soomaaliland waa soomaali af-iyo dhaqan iyo dal jacaylba kaa badan,waxay rabaan waa CAASIMADA anigu hadaan ahaan lahaa soomaaliland wax kale dankama galeen.haday soomaaliland qudhoodu sidaa yeeli waayaan iyaga ah munaafiqiin aan hadafba lahayn sidaa koonfurta.

Gobolka sanaag waa kan uugu quruxbadan soomaaliya uugana cimilada fiican leh bad iyo bariba,sidiisa ayuuba uugu fiican yahay in laga dhigo Caasimada soomaaliya,hadana waxa uuba inoo yahay xal.gobolkan soomaali oo dhan baa wada dagta koonfur iyo waqooyiba ama somaliland iyo soomaaliya.

Hadaan caasimadii halkaa lagaynayn waxa kale ee lagu midoobayaa waamaxay? hadiise shalay somaliland inoo timid koonfurta oo soo bareereen maxaan maanta u diidaynaa in aan utagno? hadaanse diidayno in aynu utagno oo halkaa caasimad ka yagleelo,waa hagaage maxaynu uugu diidaynaa in hadaba ay sidaa kubaxaan oo halkoodaa dawlad gaara ku ahaadaan oo ku kala nabad galaa?

Soomaaliland dadka maamulaa waxay qudhoodu ku mashquul sanyihiin,lacag uruursi sida dhaqankii koonfureed ee XASAN SHEEKH,waayo waxaa cadaynaya waligay ma arag Madaxweyne somaliland oo leh koonfureey hadaad midawdanbe rabtaan oo aad diideen in aan kala tagno,natusa waxaan idinku aamino oo halkan keena caasimada. markaa somaaliland ayaa riwaayad ma dhamaato layiraa isu dhigaya qudhoodu!! goor hore ayaa xal waara lagaari lahaa.

Hadii aan somaliland loo haynin wax soo celiya walaalnimadii iyo wada jirkeenii,oo aan loo hayn wax ay ku qancaan waxaan oran lahaa XASAN SHEEKH iyo noocyadiisu haka daayeen digashada ay ku diganayaan SOMALILAND. Waxaa xusid mudan Madaxweyne Abdullahi yusuf ahmed allaah ha u naxariistee iyo Farmaajo midna kamahayno ilaa waxaan hadal san ahayn afkooda,iyagoo ka asluubaysta arimaha somaliland. waxbaan idiin keenaynaa iyo waxanaan idin siinaynaa iyo wax u dhaw midna maysan oran maxaayeelay nin waliba aakhiradiisa dadka iyo dalkiisa ayuu dhawrayaa qofka waa in ay jirtaa xuduud celisaa.

siyaasadu waa dhisid maslaxo xasilooni iyo dadka oo nolol wanagsan loo sameeyo,maha sida koonfurtu u qaateen khiyaano!!!

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here