Maxkamada Ciidamaadda Qalabka Sida oo Xukuntay Wariyayaal Ka Tirsan Al-shabaab

0

Maxamed Cabdi Salaad Nuur  iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdiczaziiz iyo Wartanabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1).

Intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay  magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale hordhac sahmin u ahaa weeraro  ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale qiray in uu aqoon u leeyahay eedeysanaha labaad Gacal Maxamed Cali Maxamed  oo ay ka wada tirsanaayeen Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsanaayeen hal koox oo ay ku sheegeen in uu horjoogahooda joogo halka loo yaqaan Sabiid,  waxa uu qiray in  ay wada degnanaan jireen degmada Kaaraan  balse Gacal uu isku qariyo shaqada tima jaraha, Maxamed Cabdi Salaad Nuur oo ah eedeysanaha koowaad ayay ciidamada amniga soo xireen  13-ka Bishii labaad (2)- ee sanadkan.

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad  ayna wada deganaayeen hal guri  sidoo kale ay  lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta  ciidamada amniga soo galay sidaad iyo tobanka (18) bishii Afaraad (4) ee sanadkan.

Labadii (2) bishii Sideedaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay  eedda labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa ayna xilligaas weydiisteen Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in xabsiga lagu hayo eedeysanayaasha garsuge ahaan.

Bilowga fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa si wada jir ah loo dhageystay eedda ay soo diyaariyeen xafiiska xeer ilaalinta iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay eedeysanayaasha in ay ka hadlaan goobta maxkamadeyntooda.

Koowdii bishan aynu  ku jirno ayaa la soo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta labaad ee Maxkamadda.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo

Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta  fursad kale oo ay  ku dalban karo Rafcaan.