Hirshabeelle oo aan ka qeyb galeyn Shirarka Madaxda dowlad goboleedyadda

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan qeyb ka aheyn shirar u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay Madaxda maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Hirshabeelle aysan ka qeyb galin shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen madaxda maamulada ee looga soo horjeeday dowlada dhexe Soomaaliya,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha.

Maxamed Cabdi Waare ayaa heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu u muuqdaa in uu ka baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.