DHAGEYSO:-Qoysas ka Barakacay Dagaalka Al-shabaab Iyo Dadka Shacabka Ah Ku Dhex-maraya Sh/Dhexe

0

Dagaalladii Muddooyinkii Ugu Dambeeyey dadka Shacabka Ah Iyo Al-shabaab Ku Dhex-marayey Qaar ka Mid Ah deegaanada Maamulka Hir-shabeelle Ayaa Waxaa Lagu Soo Warramayaa In Dagaallladaas Ay ka Dhasheen Barakac Ay Sameeyeen Dadka Deegaanka.

Dagaalka Ayaa Si Gaar Ah Waxa Uu uga Dhacay Deegaano dhawr Ah Oo Hoos Taga Degmada cadale Ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Ayaa Sheegay In Dad Badan Ay ka Barakaceen Dagaalladan U Dhaxeeya Al-shabaab Iyo Dadka Deegaanka.

Deegaanada Ay Dadkaan Ka Barakaceen ayaa Waxaa Lagu magacaabaa Carra-gaduud, Bar dacare, xagarey Iyo deegaano kale Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.