Akhriso:-Taliska Nabadgelyada Waddooyinka oo soo bandhigay shilalkii ugu badnaa ee ka dhaca Muqdisho

0

Taliska Nabadgelyada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa soo bandhigay shilalkii ugu badnaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 9-kii bilood ee la soo dhaafay.

Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in shilalkii sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ay gaarayaan 875 shil, kuwaasoo 602 ka mid ah ay galeen Mooto Bajaaj.

Jen. Maalin ayaa sheegay in shilalka ay sababeen dhimasho iyo dhaawac kala duwan oo shacab u badan.

Bishii la soo dhaafay ee September ayaa shilalka ugu badan ay dhaceen, waxaana dhacay illaa 98 shil oo 73 ka mid ah ay galeen Mooto Bajaaj.

Illaa 8 qof ayaa ku geeriyootay shilalka la diiwaan geliyay ee ay ka dhacay Muqdisho bishii la soo dhaafay.

Shilalka gaadiidka ayaa loo sababeeyaa darawalada oo aan laheyn khibrad ku filan, iyagoo si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasoo keenta inay xakameyn waayana, dabadeedna ay sidaas shilka ku galaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto ka soo baxday waxaa uu ku mamnuucay in Mooto Bajaajta laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho, sidoo kalena aan la soo gelin karin magaalada.