AKHRISO:- Walaac Laga Muujiyay Boobka Dhulkii Ciidamada Millateriga Soomaaliya Gobolada Dalka

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga federaalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo ka hadlayey Warbaahinta dowladda federaalka ayaa sheegay in ay qabaan walaac ku aaddan in ay socdaan isku dayo lagu boobayo dhulalka deegaanka u ah ciidanka ee ku yaalo qaar ka mid ah Gobollada dalka, waxa uu ka digay arrintaas, hasa yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in sannadka soo socda ee 2019-ka qorshaha uu ugu jiro in ay dhisaan 6 Xero ciidan oo si wanaagsan loo diyaariyey.

Tababarrada ciidanka Xoogga dalka ayaa loo sameeyey hal Manhaj oo mideeyey tababarrada ay waddamada saaxiibada ah ka caawiyaan ciidanka Malateriga Soomaaliya, taasi oo fursad weyn u ah dib u dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Si Nabad iyo horumar weyn loo gaaro waa in xasillooni ay helaan dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed, taasina ay gacanta ugu jirto sida ay shacabka uga go’an tahay in ay si ficil ah uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliye S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe).

Inkastoo oo taliyihu uusan xusin xeryaha ciidamada ee la boobay iyo kuwa khatarta ugu jira, ayaa haddan waxaa magaalooyin badan oo ku yaal Soomaaliya, waxaa maamulada ka jira ay iibiyeen ama cid gaar ah siiyeen dhul degaan iyo Xeryo ay hore u lahaayeen Milaterigii dowladii Soomaaliya ee burburtay 1991kii.