DHAGEYSO:-Gen. Indha Qarshe oo sheegay inay taageerayaan shacabka la dagaalamaya Shabaab

0

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka shacabka ah iyo ururka Al Shabaab, iyada oo xiisdan ay ka dhalatay kadib markii shacab is abaabulay ay ka soo horjeesteen amaro Al Shabaab ay ku soo rogeen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa wuxuu sheegay in si buuxda ay u taageerayaan shacabka is abaabulay ee la dagaalamaya ururka Al Shabaab, wuxuu kaloo sheegay inay ka xun yihiin dadka ku dhintay dagaaladii dadka degaanka la galeen Shabaab.