Akhriso:-Qodobada Looga Hadlayo Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalita oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 3-da bisha Octoober 2018, kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka kaas  oo Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay ay siweyn uga doodeen Xildhibaanada.

Dadka dhinaca Siyaasada indha-indheeya ayaa aaminsan in ajandaha Baarlamaanka haatan horyaalla oo ay doodiisu aocoto uu yahay mid lagu mashquulinayo Xildhibaanada.