TOPNEWS:-Dhalinyaro taageertay in Mukhtaar Roobow isku soo sharaxo Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed

0

Iyadoo lagu wado in bisha November ee soo socota ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa isa soo taraya hadal heynta ku saabsan in xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed uu isku soo sharaxayo Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaano Abuu Mansuur.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay abaabuleen dhalinyaro ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa waxaa lagu taageeray in Mukhtaar Roobow Cali uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Waxaa munaasabaddaas hadalo ka jeediyay dad kala duwan oo ay ku jireen aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Prof. Shaafici oo sheegay in uu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu yahay shakhsi is bedel dhan walbo ah ka sameyn karo deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana uu ka codsanayo inuu isu soo taago xilkaas.

“Malaaqyada waxay ganarayaan beesha caalamka way garanaysaa in ay laazim tahay qof deganansho ka keeni karo nabad ka dhalin kara oo lagu kalsoon yahay oo aan lagu khamaarin sidaa darted ayaa sheekha ugu codsanaynaa in uu isu soo taago xildhibaanadana ku boorineynaa in ay magac ka tagaan (Legacy),” ayuu yiri Shaafici.

Dhammaan dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay ayaa si isku mid ah u uga codsaday Sheekh Mukhtaar Roobow in uu kamid ah noqdo musharaxiinta ka qeybgali doono tartanka doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, kulankaas lamid ah ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, dhalinyarada magaaladaas ayaa soo agaasimay kulanka waxaana ka qeybgalay qeybaha bulshada eek u dhaqan magaalada Baydhabo.

Dadkii kulanka ka hadlay ayaa Mukhtaar Roobow Cali ka codsaday in uu isu soo sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed isla markaana waxaa ay golaha wakiilada Koofur Galbeed ka dalbadeen in ay u daneeyaan masiirka dadka ku dhaqan gobolada maamulka Koofur Galbeed.

17 bisha November ee sanadkan ayaa sida uu qorshuhu yahay la qaban doonaa doorashada madaxtinimada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay ku loolamayaan musharaxiin badan.