TOP NEWS:- Faysal Cali waraabe ”Aniga Ayaa Ka Dambeeyay In Qalbi Dhagax Uu Soo Booqdo Somaliland

0

Magaalada Hargeysa, dadweyne fara badan oo ay ku jiraan gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex, xubno ka tirsan golaha deegaanka , madax dhaqameed , mucaaridka , iyo haween , ayaa si weyn ugu soo dhoweeyay gegida dayuuradaha Cabdikariim Xaaji Muuse Qalbi-dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF, kaasoo noqonaaya sarkaalkii ugu horreeyay ee ONLF ah oo lagu soo dhaweeyo Hargeisa.

Qalbidhagax ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay dadweynaha soo dhoweeyay wuxuu ku sheegay inuu salaan uga sido dadka reer somaliland hogaamiyaha iyo xoghayaha guud ee Jabhada ONLF , isagoo ka mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay hargeysa dowlad iyo shiciba.

Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin ka tirsan somaliland ayaa u sheegay dhankooda Cabdikariim Qalbi-dhagax inuu yimid dalkiisii hooyo , aadna uga xunyihiin xadhigii uu mudada ku xidhna dalka Ethiopia oo dowladda fedraalka ee somaliya u gacangelisay Ehiopia , xadhigaasi oo laga soo daayay horaantii bishii july ee sanadkan 2018.

Haddaba, tallaabadan cusub ee markii ugu horreysay sarkaal ONLF ah uu socdaal ku tegay Somalinad maxay ka beddelaysaa xaaladaha siyaasadeed ee Soomaalidu ku soo jirtay 30-kii sano ee ugu dambeeyay,waxaana weyddinay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo isagu sheegay inuu ka dambeeyay casuumadda Qalbi-dhagax loo fidiyay.