SAWIRRO:-Sacuudiga oo dhistay khad tareen casri ah

0

Boqorka Sucuudiga ayaa xariga ka jaray tareen dheereeya oo casri ah kaasoo ka howlgali doono labada magaalo ee barakeysan ee Maka iyo Madiina oo isugu jira qiyaastii 450km.

Dhisitaanka khadka tareenka waxaa ku kacay 6.7 bilyan oo dollar isagoo saacadiiba jari doona 300km.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in tareenka uu qaadii doono sannadkiiba 60 miliyan oo rakaab ah isla markaasna uu fududayn doono saxmadda ay la kulmaan xujayda min Maka ilaa Madiina, iyadoo la filayo inuu si rasmi ah u howlgalo Isniinta nagu soo aadan.

Wasiirka gaadiidka dalka Sucuudiga Nabil Al-Camuud ayaa sheegay in saacado yar loo qaadan doono waddada isku xirta Maka iyo Madina isagoo xusay in ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Muslimiinta.