Madaxweynyaha Puntland oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Ku Timi Ugaas Ibraahin Cali Shibin “Maakhiri”

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuun Ugaas Ibraahin Cali Shibin “Maakhiri”.

Alle ha u naxariistee Marxuun Ugaas Maakhiri ayaa ku geeriyoodey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo uu in muddo ah ku xanuunsanayey, waxaana uu marxuunku kamid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ee hormuudka u ahaa nabadda, wadajirka iyo midnimada shacabka reer Puntland, gaar ahaan gobolka Sanaag oo uu ka mid ahaa oday dhaqameedka gobolkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa geerida Marxuunka Ugaas Ibraahin Cali Shibin “Maakhiri” uga tacsiyey shacabka reer Puntland, gaar ahaan shacabka gobolka Sanaag oo uu kamid ahaa isimada gobolkaasi, islamar’ahaantaana Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Alle ‘SWC’ uga baryey marxuunka inuu denbigiisa dhaafo, qabrigana u Waasiciyo samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland si gaar ah.

‘Inaa Li’laahi wa’innaa ilayhi raajicuun, Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle haw naxariistee Ugaas Ibraahin Cali Shibin “Maakhiri” oo ku geeriyoodey magaalada Badhan, waxaan Alle u waydiinayaa inuu denbigiisa dhaafo, qabrigana u waasiciyo, derisna uga dhigo Nebigeenii Suubanaa Maxamed ‘SCW’. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxaned Cali Gaas ayaa si gaara uga tacsiyeyey geerida Ugaas Ibraahin Cali Shibin qaraabadii, eheladii, asxaabtii, xaasaskii iyo caruurtii uu ka tegey marxuunku.

‘Waxaan si gaar ah uga tacsiyaynayaa geerida marxuunka qaraabadii eheladii, asxaabtii, xaasaskii iyo caruurtii uu ka tegey, marlabaad waxaan Alle u waydiinaynaa inuu denbigiisa dhaafo, qabarigana u waasiciyo, kuna abaal mariyo camalkiisa saalixa ah ee wanaagsan’ ayuu yiri Madaxweynuha Puntland.