DHAGEYSO:-Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo muddo toddobaad ah dib loo dhigey

0

Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Maanta magaalada Dhuusomareeb ugaga dhawaaqay xilliga ay dhici doonto doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug,iyadoo muddo toddobaad ah dib loo dhigey.

Guddiga doorashada  ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in doorashada la qaban doono 3da bisha Oktoobar iyadoo hore qorshuhu ahaa in maanta ay dhacdo doorashadan.

Sidoo kale guddiga ayaa waxa ay soo bandhigeen jadwalka qabashada doorashada Guddoomiyaha  Baarlamaanka Galmudug iyadoo qabashada araajida la bilaabay.