DHAGEYSO:- Hay’adda Culumadda Somaliyeed oo ka hadlay dilkii Axmed dowlo

0

Weli waxaa taagan hadalheynta dilkii Marxuum Axmed Dowlo oo 20kii Bishaan lagu dilay xaafada Toowfiiq ee degamda yaaqshiid lana gubay.

Marxuumka ayaa waxaa loo dilay Sabab la xiriirta heybsooc dhinaca Guurka ah kadib markii Wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ka dhalatay Qabaa’ilada loogu yeero Waaweynka.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa marka hore u tacsiyadeeyey qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed dwolo

Waxa uu sheeegay isaga oo ku hadlayay Magaca Hay’adda Culimada Soomaaliyeed inay aad uga xun yihiin falkii lagu dilay Marxuum Axmed Dowlo,isla markan aya aheyd mid siweyn u taabato.