DHAGEYSO:-Dr Baadiyow Oo eedeyn u jeediyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed

0

Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ah la taliyaha dhinaca dib u heshiisiinta xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in muddo dheer siyaasiinta ay ku marin habaabinayeen Shacabka Soomaaliyeed in ay isku dirirsan yihiin Qabiil, isagoona meesha ka saaray arrintaasi

Dr Baadiyow ayaa ku eedeeyay Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda Siyaasadeed ay u isticmaalayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in colaada dhexmarta Beelaha Soomaaliyeed ay ka dambeeyaan shaqsiyaad siyaasiin ah, kuwaasi oo hurinaya colaadaha Beelaha