AKHRISO:-QM oo ka digtay xiisadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israa’iil

0

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe ayaa si adag uga digay xaaladda nabadda ee barige dhexe.

Nikolay Mladenov ayaa BBC u sheegay in xiisadda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ay sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Mr Mladenov ayaa waxa uu sidoo kale ka digay dagaal cusub oo dhex mara Xamas iyo Israa’iil.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe Nikolay Mladenov ayaa sheegay in istaraatijiyada madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabas, ee ah in la helo dal ay Falastiin leeyihiin ay halis ku jirto.

Waxa uu intaa ku daray in la minjaxaabiyay dadaalka Cabas in wadaxaajood lagu dhameeyo arrinta Falastiiniyiinta.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay Jimca kasta ay dadka Falastiiniyiinta dhigaan dibadbax ay Israa’iil uga soo horjeedaan.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa qaaday tallaabooyiin dhowr ah oo ka dhanFalastiiniyiinta.