Akhriso:-Digniin laga soo saaray Duufaano ku soo wajahan gobalada Bariga Somaliland

0

Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in laga cabsi qabo in roobab dabeylo wata iney ku soo wajahan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in bisha soo socota ee Octoober iyo bilaha ka dambeeya in laga cabsi qabo roobab dabeylo wata iney ku soo wajahan yihiin gobolada bariga ka ah Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland loogu baahan yahay iney sameeyaan feejignaan dheeri ah loona baahan yahay iney wada shaqeyn dhaw la yeeshaan hay’addaa shaqada ku leh ee Somaliland.

Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa xusay in maamulka Somaliland ay diyaar u yihiin iney u diyaar garoobaan roobabka dabeylaha wata ee ku soo wajahan.