Xildhibaan Xuseen Iidow oo beeniyay inuu damiin u raadinayo dadkii gubay Axmed Dowlo

0

Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo sheegayay inuu damiin u raadinayo dadkii ka dambeeyay ninkii dhowaan lagu gubay degmada Yaaqshiid.

Xildhibaan Iidow ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook ku sheegay wararkaas ay yihiin daacayad rakhiis ah

“Tacdiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in sharciga deg deg lagu horkeeno ruuxi geystay tacdiga nuucaas ah”ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Iidow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inuu sameyn doono sharci looga hortagayo arrimaha heyb sooca, si tacadiyadan nuucaan looga hortago.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow sheegay in siyaasiyiin iyo Xildhibaano ay damiin u raadinayaan dadkii ka dambeeyay gudibii Axmed Dowle, inkastoo aanu magac dhabin dadkaas, hase ahaatee qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ku duray Xildhibaanka.

Hey’adaha ammaanka ayaa gacanta ku haya dadkii gubay Axmed Mukhtaar (Axmed Dowlo) oo ahaa nin xoogsate ah oo todobaadkii hore lagu weeraray goob uu ku sugnaa, isagoo dilkiisa loo adeegsaday baangad, lana gubay.