Taliyaha Ciidanka Booliska Oo xilalkii ka qaaday taliyaal degmo

0

Qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay isbedal lagu sameeyay.

Sarreeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaasha illaa 7 degmo oo ka tirsan G/ Banaadir.

Taliyeyaasha degmooyinka Waabari, Wardhiigley, Kaxda, Dharkenley, Xamarjajab, Shibis iyo Heliwaa ayaa la bedalay taliyeyaashoodii, iyadoona loo magacaabay kuwa cusub.

Illaa iyo hadana si rasmi ah looma shaacin u jeedada xilka looga qaaday taliyeyaashaasi Ciidan.

Balse warar hoose ayaa sheegaya in arrintan looga gol leeyahay in la helo isbadal dhinaca amniga ah oo lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.