Madaxweyne Mustafa Cagjar oo Amar adag siiyay ciidanka booliiska Maamulkiisa

0

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa amar ku siiyay ciidamada booliiska maamulkiisa in ay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo isku deyda in ay carqalad abuurto.

Mustafa Cagkar ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin dadka abuuraya carqaladaha iyo falalka amaanka lidiga ku ah, waxa uuna ciidamada booliiska amar ku siiyay cidii carqalad ku ah amaanka in ay qabtaan ayna sharciga marsiiyaan.

Waxa uu cadeeyay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo wadata calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin, waxa uuna digniin u diray dadka abuuraya xiisadaha.

Amarkan uu Madaxweynaha siiyay ciidanka booliiska ayaa imaanaya xili maanta magaalada Jigjiga ka dhaceen rabshado kooban oo dhax maray dhalinyaro watay Calanka ONLF iyo kuwa kale oo kasoo horjeeday.