Erdogan” Soomaalida waa dad adag, qiimo badan laakiin duruf adag baa heysata”

0

Madawxeynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka kula kulmay dadka Muslimiinta ah eek u nool dalka Mareykanka.

Mr Erdogan ayaa markii uu kulanka la qaatay Muslimiinta Mareykanka waxaa goobta laga daaray ama laga shiday muuqaallo la xiriira waxqabadkiisii Caalamka Islaamka waxaana ka mid aha Soomaaliya,Myanmar, Syria,Falastiin iyo meelo kale.

Madaxweynaha ayaa markii khudbadda la siiyay waxaa uu ka mahad celiyay soo dhaweynta iyo la kulanka Muslimiinta Mareykanka.

Waxaa uu soo hadalqaaday dadka Soomaalida ah,waxaanu yiri “Dadka Soomaalida ah waa Dad aad u adag, qiimo,badan,Qawi ah,waxaase heysta daruuf iyo xaalad adag,waxaa ay u baahanyihiin sida aan annaga u garab istaagnay oo aan u kaalmeynay in loo garab istaago.’

Maadxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ka qeybgelaya shir madaxeedka 73aad ee Golaga Guud ee Qaramada Midoobey,kaas oo ka socda Xarunta Golaha ee Newyork.