Baaritaano Lagu raadinayo maleeshiyaadka aslahaab oo saaka ka socda Afgooye

0

Ciidamada Amaanka ayaa waxaa ay saakay baaritaano ka wadaan xaafadaha degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Baaritaanka ayaa waxaa ka dambeeyay, kadib markii Shalay labo qof oo shacab lagu dilay degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u Sheegay in dhalin yaro badan lagu qabtay xaafadaha degmada Afgooye.

Tirada dadka la qabtay ayaa waxaa ay gaarayaan 10 qof, kuwaasi oo qaarkood lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen dil shalay labo Qof loo geystay degmada Afgooye.

Ciidamada amaanka ayaa kordhiyeen baaritaanada ay ka sameeynayaan degmada afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.