AKHRISO:- Maxkamad Xukun ku riday Jabuuti Muxu yahay xukunkaas?

0

Maxkamadda sare ee England iyo Wales ee magaalada London ayaa horay u sii wadayso go’aankii 31-dii bishii Agoosto ee 2018-ka, kaas oo ahaa in shirkadda dekadaha ee dawladda Djibouti (“PDSA”) ka mamnuucaysa in aysan faragalin ku sameyn maamulka dekedda Doraleh.

Kadib markii 14-kii bishii Sabteembar ee 2018-ka ay maxkamadda dhagaystay dacwadda, taas oo PDSA aysan soo xaadirin maxkamadda, balse maxkamadda ayaa amartay in ay sii socoto dacwada ilaa amar dambe.

Amarka maxkamadda sare ayaa daba socday ka dib markii PDSA ay joojisay heshiiskii ay shuraakada kula ahayd DP World, iyo qabashada shirka aan caadiga ahayn ee ay isugu yeertay hay’adda marsooyinka Jabuuti (PDSA) 9-kii bishan Siteembar, si loo beddelo agaasimeyaashii ay u soo magacawday shirkadda DP World Terminalka Kontaynarrada Dooraale oo ay labada dhinac shuraako ku ahaayeen.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amar ku bixisay in ay khasab tahay in PDSA ay xaqiijiso isbedel kasto oo ay ku sameenayso dekedda Dooraale ay ku saleeyso qoondada heshiiskii sida wada jirka ah loo saxiixay.