AKHRISO:- Gaari Qaad siday oo lagu rasaaseeyay degmada Afgooye

0

Rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ayaa waxa ay duhurnimadii maanta gaari Qaad siday ku rasaaseeyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegayo wariyaha Risaala ee degmadaasi Axmed Abuukar Sabriye.

Gaarigan ayaa xilliga rasaasta lagu furayay wuxuu marayay inta u dhaxeysa Baar Ismaaciil iyo halka loo yaqaano Taraafikada, waxayna ku aadaneyd waqtiga duhuradii oo ah xilliga uu Qaadka uu yimaado.

Gaarigan oo nuuciisa uu ahaa Caasi ayaa in la rasaaseeyo waxa ay ka dambeysay kadib markii darawalka gaariga waday ay raggan hubeysan ku amreen inuu joojiyo, balse wadaha gaariga ayaa ka dhega adeegay amarka, intaasi kadib ayaa rasaas la huwiyay.

Waxaa la xaqiijiyay in falkan uu ku geeriyooday darawalkii waday gaarigan oo ka baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Afgooye, sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo gaariga saarnaa.