Akhriso:-Axmed Sami Isler “Albayrak $10 Mliyan Ayaan Bishii Ka Soo Saarnaa Dekadda Muqdisho “

0

Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak, ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay bishii ay dekadda ka soo sooraan $10 Mliyan.

Axmed Sami Isler, oo ka tirsan maamulka shirkadda ayaa TRT World u sheegay dhibka ay ka soo mareen isaga oo ku bilaabay hadalkiisa “Dekadda shaqo fiican kama socon markii aan nimid, howllo la taaban karo kama jirin sababtana qalab la’aan iyo maamul xumo”.

Axmed Sami Isler oo sii hadlayey waxa uu yiri “sida aan ula wareegnay, waxaan soo saarnaa afar jibaar tii ay dowladda Soomaaliya ka soo saari jirtay, waxaa ay soo saari jireen $2.5 Milyan bishii, hadda waxaa uu wax soo saarka bishii gaaray $10 Milyan”

September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak