TOPNEWS:-Madaxweyne Gaas oo Shir Deg deg ah la qaatay hay’adaha amaanka Boosaaso.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu shir deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha Amaanka,maamulka Gobalka Barri  iyo kan degmada Boosaaso ee Gobalkaasi.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeynayay sidii looga hortagi lahaa falal amni daro ee mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayayay Magaalada boosaaso ee gobalka Bari.

Madaxweyne Gaas ayaa hay’adaha amaanka waxaa uu ka dalbaday in laga hortago falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsan puntland ,halka mid kalana lagu dhaawacay.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay dilal ka geysanayeen qeybo ka mid ah Gobalka Barri.