TOPNEWS:-Madaxweynaha Dowladda Puntland oo magacaabaay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal, Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal

0
Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.
Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan Magacaabid Taliyaha xasilinta  Gobolka Nugaal iyo xil ka qaadis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd
Og: Duqa Degmadda Garoowe
Og: Madaxweyne ku xigeenka
Ujeedo: Magacaabid  Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal
Waxaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal waxaana sidoo kale laga laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas  si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse,
Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay’adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta.
Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka.
Fulin wacan
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Madaxweynaha Dowladda Puntland