TOP NEWS:- Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo soo dhaweeyay shirkii uu ku baaqay Farmaajo

0

Galmudug garabka uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo dhaweeyay shirka Madaxweynaha Soomaaliya ugu yeeray madaxda Galmudug.

Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay dhibaatada heysata Galmudug inuu ka dambeeyo madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), islamarkaana dhibaatada ay xudun u tahay kadib kolkii lagu gacan seeray fulinta heshiiskii dhexmaray labada dhinac.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay dhex dhexaad ka ahaadaan arrinta Galmudug, islamarkaana aanan loo adeegsan burburinta Galmudug.

Qoraalkan ayaa wuxuu ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) uu ku gacan seeray shirkii madaxweynaha uu ku baaqay ee Muqdisho ka furmi lahaa 24-ka bishan oo berri ku beegan.