Barlamanka Soomaaliya Oo Guddi U Saaray Arrimaha Marxuumkii La Gubay

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xadgudubkii ka baxsanaa Bani’aadanimada ee lagu dilay, laguna gubay Marxuum Mukhtaar Maxamed Saalax oo ka mid ahaa dadka degan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ugu horreyn guddoomiye ku xigeenka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa tacsi kadib faah faahin ka bixisay dhacdooyin argagax leh oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa kula talisay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda  in loo hiiliyo dadka dhibanayaasha ah, sidoo kalena cadaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyay dhibaatooyinkaasi.

Intaasi kadib Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u saaray dhibaatooyinkaasi in ay ka soo tala bixiyaan guddiyada adeegga bulshada, cadaaladda, amniga iyo xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada BFS ayaa dood adag ka yeeshay wax ka bedalka xeer hoosaadka Golaha Shacabka, taas oo weli doodeedu ay tahay mid sii socota.

Waa kulankii lixaad oo qeyb ka ah Kal-fadhiga afaraad ee Golaha Shacabka, waxaana soo xaadiray 141 Xildhibaan, waxaana shir guddoomiyay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.