Akhriso:-Jamaal Qaasim oo ka jawaabay Shaqo joojintii lagu sameeyay

0

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayuu ku cadeeyay in shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada , waxa uuna ku eedeeyay Xogahaya arimo kala duwan.

Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanata Soomaaliya Jamaal Qaasim Mursal ayaa soo saaray qoraal uga jawaabay shaqo joojin uu ku sameeyay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/rashiid Maxamed Axmed.

Jamaal ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Wasiirka uusan awood u laheyn in uu shaqo joojin ku sameeyo sidoo kale wareejiyo, waxa uuna cadeeyay in xilka uu usoo magacaabay kana qaadi karo kaliya Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya .