SAWIRO:- Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Oo La Kulmay Maamulayaasha Iskuullada Dowladda

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay, maamulayaasha, iyo kormeerayaasha 24 iskuul oo ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ee ku yaalla gobolka Banaadir.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed ee dhigata iskuullada ay maamusho dowladda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kobcinta aqoonta caruurta Soomaaliyeed si loo hagaajiyo mustaqbalkooda.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa kulan la qaatay kormeerayaasha iy maamulayaasha iskuullada ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada.

Maamulayaasha iyo kormeerayaasha ka socday 24-ka iskuul ee ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay in wasaaradda ay dadaal ku bixiso sidii loo dhameystiri lahaa wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in wasaaradda ay diyaarisay wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada islamarkana hadda dib u dayactir lagu sameyn doono iskuullo hor leh oo ay leedahay dowladda.