DHAGEYSO:- Cabsi soo wajahday Ardayda Jaamacadaha iyo iskuulada Muqdisho

0

Aroornimadii hore ee saakay ayaa Macalimiinta iyo Ardayda Iskuulka Jaabir Bin Xayaat Xaruntiisa Nasteexo waxa ay u soo diyaar garoobeen Shaqooyinkii waxbarashada balse Haweeney dhinaca Nadaafada qaalbisaneyd iyo Macalin dugsi Quraan ku dhegan Iskuulka ay arkeen waxyaabo laga shakiyey.

Sida ay sheegeen macalimiinta Iskuulka Banaanka hore ee Iskuulka ayaa waxaa lagu arkay Godweyn oo ay ka soo jeedeen fiiloyiin,taas oo shaki ku abauurtay macalimiinta.

Maamulaha Iskuulka Jaabir Bin xayaat faraciisa Xaafada Nasteexo Cabduqaadir Maxamed Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markii ay arkeen Godka,isla markaana aysan garaneyn waxa ku jiray ay fasaxeen ardaydii.

Intaasi kadib ayuu sheegay inay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo uu hoggaaminayey taliyaha booliska degmada Wadajir iyo kuwa miino baarka,kuwaas oo Godkii ka soo saaray birooyin iyo fiilooyin la isku xir xiray.