Wararkii ugu dambeeyay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan Jubbaland

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa wuxuu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ka ambabaxay magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday degaanka Cabdalle Biroole, wuxuuna qaraxa qabsaday gaari ay saarnaayeen ciidanka Jubbaland.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa sheegay qaraxan in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ciidankii saarnaa gaariga Cabdi Bilaha ahaa, kuwaasi oo aan tiradooda laheyn.