TOP NEWS:-Saraakiil Shabaab ah oo lagu qabtay Dharkinleey

0

War Qoraal ah oo soo  baxay hay’ada nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu Sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qabteen degmada Dharkeynlay ee Gobalka banaadir , kadib markii  Howlgal Qorsheysan ay ka fuliyeen degmadaasi.

Labo sargaal oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidanka ay ku soo qabteen Degmada dharkeynlay, iyadoona xogtan ay ka helaan shacabka degan Degmadaasi.

Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa waxaa ay shacabka ugu baaqday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka dalka.