SAWIRRO:-Khasaaraha dhimasho & burbur ee duqeyntii Saakow oo la soo bandhigay

0

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay duqeyn Diyaaraha Maraykanku ka geysteen degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe.

Ugu yaraan 12 ka mid ah xoogaga Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, sida uu sheegay ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali.

Waxaa uu intaa ku daray in duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo gaarayay 37, isagoo xusay dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan Labo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Alshabaab, halka dhaawac culus uu soo gaaray Xasan Yacquub oo soo noqday Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegay in degmada aanay ku sugnayn saraakiil iyaga ka tirsan markii duqaynta la fulinayay, iyagoo xusay in duqayn lagu burburiyey iskuul iyo Isbitaalkii Saakow.

Weerarkan cirka ah ayaa waxaa ku dhintay saddex carruur ah halka saddexda kalena ay ku dhaawacmeen sida dadka degaanku sheegeen.

Sawiro laga soo qaaday goobaha la duqeeyey ayaa muujinaya meydadka caruur ku dhimatay duqeynta iyo burbur xoogan oo soo gaaray iskuulka iyo isbitaalka degmada Saakow.