Farmaajo oo la kulmay qoyska gabadhii yareyd ee la dilay & askar dilkeeda loo soo xiray

0

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay waalidiinta gabar ardayad 9 sano jir aheyd oo shalay ku dhimatay is-rasaaseyn ka dhacday agagaarka Isbitaalka digfeer, degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa u tacsiyadeeyey qoyska gabadha yar, isagoo u sheegay inuu aad uga xun yahay kana murugooday falkaas oo uu sheegay iney ku kaceen askar aan xilkas aheyn oo uu balan-qaaday in sharciga la horkeeni doono.

Qoyska ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dalka sida ay uga fal celiyeen dilka loo geystay gabadhooda yar, waxayna sheegeen iney ku qanacsan yihiin jawaabta dowladu ka bixisay falkaas.

Dhinaca kale, Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askar lagu eedeeyay dilka gabadhan oo ku lug lahaa israsaaseynta shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay in la xiray afar askari kuwaasoo labo ka mida ay ka tirsan yihiin ilaalada Jen. Sheegow halka labada kale ay ilaalo u ahaayeen taliye kale oo ka tirsan ciidanka milateriga.

Xarunta CID-da ee Dembi baarista ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu xiray askartan, waxaana la dhaqaajiyey baaris ku saabsan dilka gabadha yar oo naxdin weyn ku dhalisay bulshada Soomaaliyeed.

Deeqo Daahir Faarax oo aheyd ardayad 9 jir ah oo dhigan jirtay Dugsiga Hoyga Xamar ayey Baskii ay saarneyd rasaas ugu tagtay shalay xili uu ka soo celiyey iskuulka ka dib markii ay bartanka u galeen ciidamo isku rasaaseynayey agagaarka Isbitaalka Digfeer.